Ciidamada Xoogga Dalka Oo 12 Dagaallame Oo Al-shabaab Ka Tirsanaa Ku Dilay Bariire

0
76

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaa ururka 43aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka bariire oo bilo ka hor laga saaray al shabaab ayna ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sida ay saraakiisha sheegeen howlgalka ayaa yimid kadib markii laga war helay in xubno ka tirsan al shabaab ay si dhuumaaleysi ah lacago uga qaadayeen dadka shacabka ee halkaasi ku dhaqan.

Inta uu howlgalka socday ayaa ciidanku waxa ay dileen 12 dagaallame oo ka tirsanaa ururka al shabaab kuwaasi oo ku howlanaa qaadista lacagaha balse ku geeriyooday howlgalkii lagi baacsanayay oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalkooda uu ahaa mid qorsheysan ayna ku doonayeen in ay ku beegsadaan xubnihii al shabaab ka tirsanaa ee sida qarsoodiga ah lacagaha uga qaadayay shacabka bariire.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidanku ay xaqiijiyeen hadafkooda ka dhanka ahaa al shabaab isagoo intaasi raaciyay in ay dileen xibnihii usoo baxay qaadista lacagaha sida qarsoodiga ah ay ku uruursanayeen.

Deegaanka bariire ee gobalka shabeelaha hoose ayaa kamid ah deegaanada ay ciidanka xoogga dalka ka saareen al shabaab, balse waxa ay ciidamada ka sameeyaan howlgallo ka dhan ah al shabaab maadaama ay halkaasi ka geystaan falal lidi ku ah amaanka iyo qaadista lacago ay ku sheegaan Zakawaat kuwaasi oo ay ka qaadaan dadka deegaanka bariire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here