Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Africa

0
168

Wararka ka imaanaya magaalada east london ee waddanka koonfur africa ayaa sheegaya in halkaasi gelinkii danbe ee shalay lagu dilay muwaadin soomaaliyeed oo dalkaasi ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray alle ha u naxriistee Qasaali Axmed Shuuriye, waxaana uu ka shaqeynaye dukaan ku yaala deegaanka butterworth, halkaasi oo ay kusoo weerareen burcad hubeysan oo ugu danbeyn marxuumka toogtay.

Ciidamada booliiska wadanka koonfur africa ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan burcadda dilka geysatay inkastoo aysan gacanta ku dhigin maadaama ay goobta soo gaareen goor danbe.

Dhawaan ayee aheyd markii magaalada peritoria ee caasimadda dalkaasi lagu dilay muwaadin kale oo soomaali ah oo lagu magacaabi jiray alle ha u naxriistee Xaamud Aadan Dhiblaawe kaasi oo goobtiisa ganacsi lagu dhex toogtay.

Sanadkan 2020 waxaa sii kordhaya dilalka muwaadiniinta soomaaliyeed loogu geysanayo koonfur africa dhowrkii bil ee lasoo dhaafay ayaana lagu dilayey bil kasta inkabadan 5 muwaadin iyadoo aanee jirin cid lagula xisaabtamo dilalka soomaalida taasi oo dhaliisheeda loo soo jeediyo safaaradda soomaaliya ee dalkaasi oo aan ka hadlin beegsiga soomaalida dalkaasi ku ganacsata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here