Ciidamada Danab Oo Howgallo Ka Sameeyay Deegaanka Leego Ee Gobalka Sh/Hoose

0
170

Wararka ka imaanaya deegaanka leego ee gobalka shabeelaha hoose ayaa ku warramaya in halkaasi ciidmada xoogga dalka gaar ahaan ururka 4aad guutada 16aad ee kumaandooska danab ay ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah ururka al shabaab.

Inta uu socday howlgalka ayee saraakiisha hoggaamineysay sheegeen in ay soo qab qabteen xubno ka tirsanaa ururka ak shabaab oo ay sheegeen in ay ku jireen falal lagu dhibaateenaye shacabka soomaaliyeed halkaasi ku dhaqan.

Inkastoo aysan soo bandhigin tirada ay kusoo qabteen howlgalka ayee saraakiisha sheegeen in howlgallada ay sii socon doonaan u jeedkooduna uu yahay sidii al shabaab ay uga saari lahaayeen deegaanada gobalka shabeelaha hoose.

Ciidmada kumaandooska danab ee ku sugan gobalka shabeelaha hoose ayaa wada howlgallo ka dhan ah al shabaab oo bar bar socda gurmad ay gaarsiinayaan dadka shacabka taasi oo saraakiisha ay sheegeen in ay kala jeedaan sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa bulshada ku dhaqan deegaanada dhawaan laga saaray ururka al shabaab.

Dhawaan ayee aheyd markii ciidmaada xoogga dalka dalka gaar ahaan guutada 16aad ee kumaandooska danab ay howlgal ku dileen kuwa kalena ay kusoo qabteen kuwaasi oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobalka shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here