Wasiir Beyle”Dowladda Soomaaliya Waxaa Ka Go’an In Ay Xoojiso Isbadalka Maaliyadda Iyo Horumarka Dhaqaalaha Dalka”.

0
74

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda soomaaliya xildhibaan C/raxmaan Ducaalle beyle ayaa kulan dhanka internate-ka ah la qaatay xoghayaha ururka jaamacadda carabta iyo xubno kale.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay qeyb ka tahay deymaha lagu leeyahay soomaaliya gaar ahaan deymaha ururuka jaamacadda carabta uu ku leeyahay soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda oo qoraalka kooban soo dhigay bartiisa Facbook-ga ayaa sheegay in kulan muhiim ah uu la qaatay ururka jaamacadda carabta uuna kala hadkay sidii ay deymaha uga cafin lahaayeen dalka soomaaliya.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Ururka Jaamacadda Carabta oo aan ka wada hadalnay sidii ay nooga saamixi lahaayeen deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin” ayuu yiri wasiir beyle.

Sii hayaha wsiirka maaliyadda ayaa sidoo kale u mahad celiyay xoghayaha ururka jaamacadda carabta iyo dhammaan ka qeyb galayaasha shirkii maanta ee dhanka internate-ka ahaa

Waxa sidoo kale wasiirka maiyadda uu sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay xoojinta isbadalka Maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here