DHAGEYSO :- Shaqaalaha Qaramada Midoobay Ee Puntland Oo Looga Digay Xabsi Ay Ku Weyn Karaan Shaqadooda

0
186

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee maamulka puntland Maxamed Xareed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada garoowe ee caasimadda maamulka puntland ayaa fariin adag u diray shaqaalaha qaramada midoobay ee ka howlgala deegaanada puntland kadib warqad ay kasoo gudbiyeen wasaaradda maaliyadda maamulkaasi.

Shaqaalahan oo gaaraya 140 ruux ayaa la sheegay in aanee bixin lacagaha canshuuraha ee ku waajibtay mushaaraafkooda sida ku cad dacwadda uu soo gudbiyey agaasinka qeybta dakhliga ee wasaaradda maaliyada puntland.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in ay waajib tahay bixinta lacagaha canshuuraha ee ku waajibtay shaqaalaha qaramada midoobay ee deegaanada puntland ka howlgala kuwaasi oo diiday lacagaasi, isagoo intaasi raaciyey in laga bilaabo hadda ay qasab ku tahay lacagta canshuuraha iyo lacago kale oo ganaax ah haddii ay diidaana waxa uu cadeeyey in la hor geyn doono maxkamadda puntland.

Isagoo sii hadlaye ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee puntland Maxamed Xareed ayaa ugu hanjabay shaqaalaha qaramada midoobay in ganaaxa ay muteysteen loogu badali doono xabsi taasi oo uu sheegay haddii ay dhacdo in ay ku weyn doonaan xubanimada shaqaalaha ee qaramada midoobay isagoo mar kale faray in ay bixiyaan lacagaha ku waajibay mushaarkooda.

Dhinaca ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee puntland ayaa fariin u diray cid kasta oo ku sugan deegaanada puntland muwaadin iyo ajnabiba in ay bixiyaan canshuuraha lagu leeyahay cidii diida ayuuna ku tilmaamay qof diidan nidaamka maamul ee puntland tallaabana laga qaadi doono maadaama canshuur la’aan aan la wadi karin howlaha maamulkaasi.

Shaqaalaha qaramada midoobay ee ku sugan deegaanada puntland ayaa dhowr jeer lagu eedeeyey in aysan bixin lacagaha canshuuraha ah ee lagu beyqaamiyo mushaaraadka ay qaataan waxaana wasaaradda maaliyadda ay dacwad u gusbisay xafiiska xeer ilaalinta maamulka puntland si arrintani wax looga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here