Xil/ Mahad Salaad “Sidee looga ilaalinayaa odayaashii iyo ergadii isku dhiibay Alshabaab in ay ka soo mid noqdaan kuwa hadda wax dooranaya”

0
284

Waxaa isa soo taraya hadal heynta la xiriirta cabsida laga qabo in al shabaab ay door ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee soo socda kadib markii ay dhowr jeer soo bandhigeen nabaddoono sheegay in ay la tanaasuleen shaqadii ay u hayeen dalkan iyagoo iska dhiibay dhinaca al shabaab.

Ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ee waqtigoodu uu sii dhacayo ayaa u qebsamay kuwa la dilay, qaar ka cararay dalka, qeyb isku dhiibtay al shabaab iyo tiro odayaal ah kuwaasi oo dalka ku sugan balse la sheegay in ay ganbad ka yihiin ururka al shabaab oo horay ugu hanjabay in ay dilayaan.

Sanadkan waa ay ka duwan tahay 2016 marka loo eego ergadii xiligaasi la qeyb qaadatay doorashada oo aheyd 14 kun balse haddana waxaa la qorsheysanayaa 83 kun iyadoo maanka lagu hayo in kuwii horre ay wajaheen xaalad murugo ah ayna adag tahay in la helo ergooyin dhiiran sidii kuwii horre oo kale.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka soomaaliya ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay doorka ay ku yeelan karaan al shabaab doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo dhamaadla sanadkan iyo horraanta sanadka soo aadan ee 2021.

Waxa uu qoraalkiisa ku dhex xusay su’aallahan u baahan in laga jawaabo:-

1. Ku dhawaad 83 kun ee hada wax ha doorteen la yiri xagee laga keenayaa, hadiise ay noqoto in la helo maxaa damaanad ah oo ay heystaan in aysan mari doonin wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay?

2. Sidee looga ilaalinayaa odoyaashii iyo ergadii isku dhiibay Alshabaab in ay ka soo mid noqdaan kuwa hada wax dooranaya, si inta u soo xulaan ergo Alshabaab aysan u soo dooran Xildhibaan Alshabaab ah?

Cabsida ugu weyn ayaa sanadkan laga muujinayaa xildhibaanada soo socda waxaana laga baqdin qabaa in ay kasoo muuqdaan xubno ay wataan ururka al shabaab sida ay dhowr jeer sheegeen qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya arrimaha soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here