Ciidmada Danab Oo Sh/hoose Ku Qabtay Gaari Walxaha Qarxa Laga Buuxiyey & Rag Al Shabaab Ka Tirsan

0
276

Wararka ka imaanaya deegaanka Gendershe ee gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay howlgal ka sameeyeen ciidamada danab ee xoogga dalka kuwaasi oo halkaasi ku sugan.

Inta uu howlgalka socday ayee ciidamada qabteen gaari saaruf ah oo la sheegay in al shabaab ay usoo wadeen dhinaca magaalada caasimadda ah ee muqdisho islamarkaana ay kasoo buuxiyeen walxaha qarxa.

Sidoo kale ciidamada ayaa qabtay dagaallamayaal ka tirsan al shabaab, agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah kuwaasi oo ay ku howlanaayeen xubno ka tirsan al shabaab.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdi maalik Maalin oo lahadlay idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalkooda ay kusoo qabteen dagaallamayaal ka tirsan al shabaab ayna bur buriyeen qaraxyo ay diyaarineen si ay uga fuliyaan deegaanada shabeelaha hoose ee gacantooda ka baxay iyo magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

Taliyaha ma uusan sheegin magacyada iyo tirada xubnaha al shabaab ka tirsanaa oo ay kusoo qabteen howlgalkii ay ka sameeyeen deegaanka Gendershe ee gobalka shabeelaha hoose.

Ciidamada danab ee ka tirsan xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyey howlgalkooda ka dhanka ah ururka al shabaab oo ay ka wadaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalka shabeelaha hoose waxaana xusid mudan in dhawaan ay kala wareegeen degmada kuntuwaareey ee gobalka shabeelaha hoose.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here