Baarista Dhacdadii Xabsiga Dhexe Oo Lasoo Gebagebeeyey & Taliyihii Xabsigaasi Oo La Xeray

0
175

Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii al shabaab 10kii August ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe ee xamar ayaa kulan ay maanta la yeesheen sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxa ay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxa ay sheegeen in ay ogaadeen in 8dii August, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10 keedii 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday in ay al shabaabkii gudaha ku jiray ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto

Dhacdada ayaa loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga.

Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale.

Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrintan ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.

Dadkan lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan maxkamadda ciidamada qalabka sida go’aanna looga gaaro halkaasi kiiska lagu tuhmayo ee ah in ay ka danbeeyeen weerarka ama ay dayaceen dowlihii loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here