Jubbaland Oo Shaacisay Sababaha Ay Uga Qeyb Gali La’yihiin Shirka Dhuumareeb 3

0
140

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka jubbaland ayaa looga hadlay sababta hoggaamiyaha maamulkaasi uu tagi la’yahay shirka Dhuusamareeb 3 ee lagu madalsanaa in xal kama danbeys ah laga gaaro arrimaha doorashada oo madaxdu shirarkii horre ku heshiiyeen in waqtigeeda lagu qabto ogolna ay ku noqdaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay ka ka qeyb galka shirka dhuusamareeb balse waxa ay si cad u tilmaameen in xukuumadda dalka ka arrimisa ay ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod oo ku dhacda mudda xileedka madxda talada heysa, dib u eegista dastuurka, amniga iyo arrimo kale taasi oo walaac ku abuurtay bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamka kuwaasi oo taageero la garab taagan soomaaliya.

Qoraalka jubbaland ayaa lagu sheegay in dadaal iyo kala fogaansho muddo dheer ah kadib in shirarkii ay dhuusamareeb ki yeesheen ay ku gaareen heshiisyo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo faragelinta dowladda ay la wado gobalka balse waxaa lagu caddeeyey dowladda soomaaliya ay sii abuurtay kalsooni xumo kadib markii ay meesha ka saartay xukuumaddii fulin laheyd heshiisyada islamarkaana ay sii wado faragelinta gobalka gedo oo shalay qarax ay dad ku dhinteen ka dhacay degmada balad xaawo ee gobalka gedo masuuliyaddeedana ay leedahay dowladda sida lagi cadeeyey war saxaafadeedka.

Dhaliilaha ay jubbaland usoo jeedisay villa soomaaliya waxaa sidoo kale kamid ah in meesha laga saaray matalaadda golaha aqalka sare waxaana sidoo kale ay tilmaameen dalka loo afduubayo gole muddo xileedkooda uu sii dhammaanayo doonayana in ay sii joogaan kiraastooda.

Jubbalabd ayaa caddeysay in diyaar u yihiin ka mira dhalinta shirarkii dhuusamareeb 1 iyo 2 heshiis siyaasadeedna laga gaaro doorasho lagu qanacsan yahay oo ku dhacda xiligeeda 2020-2021-ka.

Gebagebada war saxaafadeedka waxaa beesha caalamka loogu baaqay in ay ka caawiyaan qabsoomidda shirka dhuusamareeb 3 go’aannada kasoo baxana mira dhal laga dhigo.

Hadalkan kasoo baxay jubbaland ayaa imaanaya iyadoo weli uusan qabsoomin shirka dhuusmareeb caqabadaha hortaaganna ay kamid yihiin shurudahanayn wataan maamullada puntland iyo jubbaland ee dhismaha xukuumadda cusub oo fulisa heshiisyada dhinacyada ee doorashada iyo arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here