Shariif Sheikh Axmed Oo Digniin U Diray Guddoonka Golaha Shacabka BFS

0
167

Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii horre ee soomaaliya kana mid ah musharixiinta xilka madaxtinimo ee soomaaliya ayaa sheegay in madaxda talada heysa aanee daacad ka aheyn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee dalka una dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamul gobaleedyada qorshahoodana uusan ka mid aheyn qabashada doorasho heshiis lagu wada yahay.

Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay”. Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Waxa uu sidoo kale sheegay in dalka laga keenay marxalad aad u adag, lana ogolaan karin in masiirka iyo aayaha dalka ay afduubtaan shaqsiyaad doonaya in ay sii joogaan talada dalka, isagoo digniin kasoo saaray dhibaato uu sheegay in ay wadaan madaxda dowladda federaalka ee muddo xiloodkooda sii dhammaanayo, waxaana uu caddeeyey inaysan raali ka noqon doonin in hal maalin oo sharci darro ay ku sii joogdaan dadka u ololeenaya waqti kordhinta.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale guddoonka golaha shacabka uga digay in qaadaan tallaabooyin aan dastuuri aheyn si ay madaxweynaha iyo baarlamaankaba u siiyaan muddo kordhin taasi oo uu dhowr jeer ka digay.

Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada”. Ayuu raaciyay qoraalkiisa.

Hadalka Sheikh Shariif ayaa imaanaya xili madaxweynaha soomaaliya uu sheegay in masiirka dalka ay go’aan ka gaari karaan kaliya baarlamaanka soomaaliya oo uu kala jeeday golaha shacabka shirka dhuumareeb 3na natiijadiisa uu dib ugu keeni doono mudanayaasha golaha shacabka taasi oo abuurtay hadal heyn iyo walaac ay muujiyeen dadka dhaliilsan siyaadda hadda lagu maamulo villa soomaaliya.

Qoraalka oo dhameystiran hoos ka akhriso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here