Dabley Hubeysan Oo Muqdisho Ku Dishay Xubno Ka Tirsanaa Nisa

0
244

Dabley hubeysan ayaa xaafadda buunda 1aad ee degmada Xamar Jajab ku dishay 4 sarkaal oo ka tirsaneyd ciidamada ilaalada shacabka ee ka tirsan hey’adda Nisa.

Warar aan helnay ayaa sheegaya inuu jiro isku dhac dhex maray labada dhinaca kaasi oo keentay dhimashada xubnahan ka tirsanaa hey’adda nabad sugudda, dableyda hubeyneyd ayaana falka ka dib ka baxsatay goobta.

Raggan la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Deeq Calasow, Kidiye Farax Hasan, Maxamed Koolkoliyo iyo siciid caato kuwaasi oo dhamaantood ka tirsanaa ciidamada ilaalada shacabka ee ka tirsan hey’adda Nisa.

Dilka kadib waxas goobta gaaray ciidamo ma tirsan dowladda soomaaliya kuwaasi oo wada baaritaano, xaaladda goobta uu falkan ka dhacay ayaa hadda mid degan oo waxaa socda isku socodka dadka iyo gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here