Diyaar Garowga Shirweyne Looga Hadlayo Doorashada Oo Ka Socda Garoowe

0
320

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa ku wajahan qaar kamid ah midowga musharixiinta xilka madaxtinimo ee soomaaliya kuwaasi oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo muranka doorashada soomaaliya.

Sida aan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Garoowe maalinta isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-ka Dec 2020 ayaa la filayaa in halkaasi uu ka furmo shir weyne ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda dowlad govaleedyada iyo musharixiinta mucaaradka ah.

Ilaa hadda waxaa shirkaasi ogolaaday Madaxda maamullada Galmudug iyo Jubbaland kuwaasi oo la filayo in dhawaan ay gaaraan halkaasi sida aan ku ogaanay xogo aan helnay.

Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa kamid ah musharixiinta tagaya Garoowe sida uu ku xaqiijiyay qoraal uu jimcihii soo dhigay bartiisa Facebook-ga, musharixiin kale ayee suurta gal tahay in ay gaaraan caasimadda Puntland.

Shir weynaha la filayo isniinta ayaa diiradda lagu saarayaa muranka doorashada iyo sidii ay culeyska ugu kordhin lahaayeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku eedeeyeen qabashada doorasho dhinaciisa oo kaliya dan u ah.

Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeynayaa, waxaana laga dareemayaa diyaar garowga marti gelinta musharixiinta mucaaradka ah iyo qaar kamid ah madaxda dowlad gobaleedyada oo halkaasi ku wajahan.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka marxaladdan kala guurka ah ayaa ah mid cakiran, iyadoo dowladda iyo musharixiinta u mucaaradka ah uu ka dhaxeeyo loolan adag. Waxaana cabsi xooggan laga qabaa in dalka ay ka dhacdo laba doorasho oo is diidan taasi oo keeni karta gacan ka hadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here