Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Goballada Waqooyi Oo Ka Hor Yimid Habraaca Ay Soo Saareen Guddiga Doorashoiyinka

0
263

Qoraal ay soo saareen qaar kamid ah xildhibaanada goballada waqooyi, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayee kaga hadleen jadwalka doorasho oo ay soo saareen guddiga doorashada ee uu muranka ka jiro.

Xubnahan ayaa sheegay in dalka aan lagu qaban karin doorasho aan wada ogol aheyn, guddiga hadda jirana aane ka qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah iyagoo ku eedeeyay in ay yihiin shaqaale dowladeed, xubno ciidan, lataliyaal iyo taageerayaal u gaar ah madaxweynaha talada haye ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa ay ka digeen dhibaato ka dhalan karta doorashada hadda la qorsheynayo taasi oo ay walaac ka qabaan musharixiinta xilka madaxtinimo, qaar kamid ah dowlad gobaleedyada iyo xildhibaanada deegaan doorashooda ay tahay Soomaaliland.

Doorashada xildhibaanada goballada waqooyi ayee sheegeen in kaliya ay qaban karaan guddiga uu magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi waxaana ay ku adkeysanayaan in guddiga uu magacaabay raiisul wasaare Rooble aan lagu aamini karin doorashadooda.

Qoraalkan ayee sidoo kale ku sheegeen in doorashada la qorsheynayo ay dhabar jab ku tahay midnimada shacabka soomaaliyeed dhibaato kale ay ka dhalan karto.

Ugu danbeyn waxa ay baaq udireen xubnaha soo saaray qoraalkan madaxda maamul gobaleedyada, musharixiinta madaxweynaha 2021, siyaasiyiinta, dhaqanka iyo beesha caalamka iyagoo ka dalbaday joojinta doorashada aan habraaceeda iyo guddigeeda doorasho aan heshiis lagu aheyn islamarkaana aan si siman dalka uga wada qabsoomeyn.

Si kastaba guddiga doorashada ee uu muranka ka jiro iyo habraacii ay soo saareen ayaa waxaa sidoo kale ka horyimid midowga musharixiinta kuwaasi oo iyaguna dalbaday in laga dogaado qalalaase siyaasadeed oo ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeedka oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here