Madaxda Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Qeyb Galaya Shir Ka Furmay Gaalkacyo

0
366

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor ayaa hadda si wadajir ah uga qeybgalaya Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlaya Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashada.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here