Xog:- Dhaq-dhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Balad Xaawo Iyo Hub Casri Ah Oo Loo Qeybiyay CXD

0
272

Warar ay heshay idaacdda Hiigsi ee muqdisho ayaa sheegaya in hub casri ah lagu wareejiyay ciidamada dowladda ee dhawaan gaaray degmada Doolow ee gobalka gedo.

Ciidamadan oo ku dhawaad 20 diyaaradood lagu geeyay Doolow ayaa lasoo warinayaa in loo daabulay dhinaca Degmada Balad xaawo ee gobalkaasi gedo halkaasi oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaq ciidan.

Ciidamada horay ugu sugnaa Balad Xaawo ayaa saldhig ka sameystay meel ka baxsan magaalada oo jirta dhinaca Xadka aan la wadaagno Kenya si ay uga hor tagaan dagaal la sheegay in uu abaabulayo Cabdirashiid Janan.

Xogo kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan jubbaland oo shalay gaaray xerada Banyooley ay wadaan kullamo ay uga hadlayaan arrinta gedo iyo sidii ay usoo weerari lahaayeen Balad Xaawo iyadoo dowladda kenyana ay ku biirisay ciidamadaasi kuwo ka tirsan KDF-ta balse loo qeybiyay dareeska ciidanka Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ciidan kale ku siineyso Jabhadda ay u abaabushay la dagaalanka ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Balad Xaawo, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa fahamsan qorshahaasi waxaana ciidamo lagu tababaray muqdisho iyo kuwa kale oo laga keenya Eretaria ay geysay xad beenaadka aan la wadaagno Kenya si ay uga hortagaan weerarada dhulka ah ee la filan karo.

Dhinaca kale waxaa maanta gaaray Degmada Balad Xaawo guddoomiyaha dowladda federaarlka ugu magacaaban gobalka Gedo mucallimow si uu kulamo ula qaato saraakiisha ciidanka ee loo diyaariyay ilaalinta xad beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here