Xubno Ka Tirsan Al shabaab Oo Lagu Dilay Cadalle

30
439

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-gub ee hoos taga degmada Cadalle ee gobalka Sh/dhexe ayaa ku warramaya in halkaasi ciidamada xoogga dalka ay sameeyeen howlgal qorsheysan oo la dhan ahaa Ururka Al shabaab.

Howkgalka ayaa yimid kadib markii saraakiisha ciidanka ay ka war heleen in Al-shabaab ay qorsheynayaan weerar ay kusoo qaadaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Geel-gub ee gobalka Sh/dhexe.

Saraakiisha ciidamada ayaa waxa ay guul ka sheegteen howlgalkaasi, iyagoo tilmaamay in ay dileen 8 dagaallame oo al shabaab ah, kuwa kalena ay nolosha ku qabteen inkastoo aysan shaacin tiradooda.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay idaacadda afka ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono ciidamadana ay nolosha ku qabteen dagaallamayaal al shabaab ka tirsan iyo hubkii ay wateen.

Ciidamada xoogga dalka ayaa muddooyinkii danbe howlgallo la dhan ah al shabaab ka waday deegaano la tirsan shabeelaha dhexe kadib markii la sheegay in halkaasi ay gaareen saraakiil sar sare oo al shabaab ah kuwaasi oo kasoo baxsaday howlgallada ay ciidanka xoogga ka wadaan shabeelaha hoose.

30 COMMENTS

  1. Are there any peer reviewed papers on this subject or any closely related topics? Thumbs up! I enjoyed your post. Thank you. Nice write up. Dannie Clemmie Kenji

  2. Excellent way of describing, and good post to take information on the topic of my presentation subject matter, which i am going to present in college. Rosmunda Stearne Betteann

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here