Dhageyso:- Masuul Caawa Lagu Dilay Degmada Jalalaqsi Ee Gobalka Hiiraan

1
365

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa halkaasi lagu dilay guddoomiyihii dhallinyarada iyo sports-ka degmada Maxamed Xuseen Dardar.

Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday dableyda weerarka geysatay, waxaana gaaray halkaasi xubno ka tirsan maamulka degmada, ciidamada dowladda iyo kuwa jabuuti ee qeybta ah howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom kuwaasi oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dableyda weerarka fulisay.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay idaacadda hiigsi ee muqdisho ayaa sheegay in dabley hubeysan ay dileen guddoomiyihii Dhallinyarada iyo Sports-ka ee degmadaasi xili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa jabuuti ee halkaasi ku sugan ayuu sheegay in ay wadaan howlagallo dad badan lagu soo qab qabtay balse uu socdo kala saarista dadka lasoo qabtay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dib warbaahinta uu ula wadaagi doono natiijada baaritaanada socda maadaama dilka uu dhacay xili habeen ah.

Ilaa hadda ma jirto cid shegatay masuuliyadda dilka hase yeeshee waxaa dilalka noocani ah fuliya dagaallamayaasha al shabaab oo dagaal kala soo horjeeda dowladda federaalka soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Codka wareysiga gud. Jalalaqsi

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here