Midowga musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka ayaa soo saaray warqad ay uga jawaabayaan hadal dhawaan kasoo baxay duqa muqdisho Cumar Filish kaasi oo ugu hanjabay musharixiinta dil toogasho.
Ugu horreyn waxa ay canbaareeyeen hadalkii kasoo baxay guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyagoo sheegay in ay u qaadanayaan in ay tahay fariin ka timid madaxweynaha talada haya kuna socoto xubnaha soo saaray warqaddan jawaabta ah.
Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in ay xaqiiqsadeen in villa soomaaliya ay adeegsaneyso xeeladda al shabaab ay ku baneestaan dhiigga shacabka iyagoo ugu soo ganbanaya diinta islaamka, waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen hurinta colaadda iyo iska hor keenista shacabka degen caasimadda.
Midowga musharixiinta ayaa madaxweynaha u sheegay in uu qaadayo masuuliyadda natiijada ka dhalata colaadda ay hurineyso xukuumaddiisa, waxaana ay ugu baaqeen joojinta colaad abuurka iyo la shaqeynta doorasho wada ogol ah oo sanadihii lasooo dhaafay soomaaliya u laheyd muhiimad gaar ah.
Si kastaba xaaladda siyaasadda soomaaliya ayaa marba marka ka danbeysa sii adkaaneysa, iyadoo dowladda madaxweyne Farmaajo lagu dhaliilayo hanaanka ay ku maareeneyso marcaladda kala guurka ah oo dood badan ay la keeneen soyaasiyiinta soomaaliyeed, balse waxa ay dowladdu u muuqataa in dhag aan jalaq loo siineyn baaqyada u imaanaya badalkeedna ay sii hurinayaan xaaladda sii cakirmeysa.
Akhriso:- War-saxaafadeedka Musharixiinta.
i love this recommended post
Very good post! We are linking to this great content on our website. Keep up the great writing. Annecorinne Osborne Berne