Ciidamada Puntland Oo Qabtay Doon Hub Sharci Darro Ah Waday

0
213

Ciidamada nabad sugidda maamulka puntland ee loo yaqaan PSF ayaa howlgal dhinaca badda ah ka sameeyay xeebaha laas qoray, Ceelaayo iyo Cadcado ee maanulkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa yimid ka gadaal markii ay heleen taliska xog muujineysa in hub sharci darro ah laga soo dejinayo xeebaha maamulkaasi.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay inta uu howlgalka socday doomo iyo saxiimado laga leeyahay dalka yaman oo looga shakisan yahay in ay hub usoo wadeen xeebaha soomaaliya.

Qoraal iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ee ciidamada nabad sugidda puntland ayaa lagu muujiyay doomaha la qabtay waxaana lagu cadeeyay in ciidamada ay wadaan baaris la xiriirta waxyaabaha ay wadaan doomahan laga shakiyay.

Qoraalka taliska laguma cadeyn tirada dadka la socday doomaha hase yeeshee waxaa lagu tilmaamay in xogta doomahan la helay ka hor howlgalka islmarkaana ay ka hortagayeen hubka sharci darrada ah ee la doonayo in xeebaha puntland laga soo dejiyo.

Howlgalka ciidamada PSF-ta puntland ayaa yimid xili warbixin hore loosoo saaray ay muijineyso in soomaaliya hub sharci darro ah loogaga keeno dhinaca waddanka yaman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here