Ciidamada Danab Oo Howlgal Ka Fuliyay Baladul-Amiin

0
164

Wararka ka imaanaya deegaanka Baladul Amiin ee gobalka shabeelaha hoose ayaa ku warramaya in halkaasi ciidamada Danab ee xoogga dalka ay ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan al shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanaye.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa guulo ka sheegtay howlgalka iyagoo tilmaamay in ay halkaasi ka saareen xubno ka tirsan al shabaab oo hallaasi ku lahaa meelo ay gabaad kaga dhigtaan howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab.

Qoraal kasoo baxay kumaandooska danab ayeena ku sheeeen in howlgalkooda uu guul kusoo dhamaaday islamarkaana ay deegaanka baladul amiin ka sifeeyeen xubno al shabaab ka tirsan oo ku dhuumaaleysanaye.

Qoraalka laguma cadeyn in ay qabteen ama dileen xubnihii al shabaab ka tirsanaa ee fariisimaha ku lahaa deegaanka baladul amiin ee gobalka shabeelaha hoose.

Howlgalkan ayaase qeyb ka ah dadaallada ciidamada xoogga dalka ay ku doonayaan in ururka al shabaab ay kaga saaraan deegaanada fara ku tiriska ah oo ay kaga sugan yihiin gobalka shabeelaha hoose oo ahmiyad gaar ah u leh ciidamada xoogga dalka maadaama uu yahay sida la rumeysan yahay meelaha ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan muqdisho iyo qeybo kamid ah gobalka shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here