Dhageyso: Puntland Oo Xukun Kala Duwan Ku Riday Rag Ka Tirsan Al-shabaab

0
206

Maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee goballada Nugaal Iyo Sool ayaa go’aan kasoo saartay eed ka dhan ah seddex nin oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin al shabaab tababarna kusoo qaatay deegaan hoostaga gobalka hiiraan.

Mustafa Aadan Keerow, Bishaar Macallin Nuur iyo C fitaax Macallin Cali oo ah seddexda shaqsi ee la xukumay ayaa la u socday buuraha galgala oo dagaallamayaal ka tirsan al shabaab ay ku xoogan yihiin balse ciidamada sirdoonka soomaaliya ayaa xogtooda u gudbiyay laamaha amaanka puntland kuwaasi oo ugu danbeyn gacanta ku dhigay.

Xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo jeediayay in xukunka raggani loo maro xeerka la dagaalanka argagaxisada maadaama ay ka tirsan yihiin al shabaab.

G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkanadda oo ah in seddexda shaqsi lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Sidoo kale isla fadhiga maxkamadda waxaa lagu xukumay seddex nin oo ka tirsan al shabaab kuwaasi oo ciidamada puntland ay gacanta ku dhigeen iyaga oo daggaallamaya.

Ismaaciil Cabdullaahi (C/kaafi) Maxamed Ibraahi Isaaq(Usaama) iyo Xasan Uulow Ibraahim( Camaara) ayee ciidamada puhtland qabteen kadib dagaal dhexmaray raggan iyo ciidamada.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee puntland g/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen ayaa ku dhawaaqay xukunka oo raghani oo laba kmid ah lagu riday xabsi daain halka Maxamed Ibraahim isaaq lagu wareejiyay wasaaradda cadaaladda kadib markii la sheegay in uusan gaarin da’dii lagu maxkamadeyn lahaa.

Deegaanada puntland waxa ay kamid yihiin meelaha ugu badan ee lagu maxkamadeeyo shaqsiyaadka la sheego in ay ka tirsan yihiin al shabaab waxaana al shabaab ay ku sugan yihiin buuraha gobalka bari oo marar badan ay kula dagaallameen ciidamada maamulka puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here