Ciidamada Kenya Oo Dad Shacab ah Ku Beegsaday Balad Xaawo

0
106

Wararka ka imaanaya degmooyin ka tirsan gobalka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda kenya ay duqeymo ka geysteen deegaano badan oo gobalkaasi gedo ka tirsan.

Duqeymaha ayaa lasoo warinayaa in ay khasaaro ka soo gaareen dad shacab ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen kadib weerarkaasi ay ciidamada cirka kenya xalay ka fuliyeen garbahaarey iyo balad xaawo oo ka wada tirsan gobalka gedo.

Guddoomiyaha degmada balad xaawo ee gobalka gedo Axmed bare sheekh cabdullhaahi oo la hadlay idaacadda hiigsi ee muqdisho ayaa xaqiijijay in duqeyo aan loo meel dayin ciidamada keenya ay la beegsadeen shacab ku dhaqam deegaano ka tirsan degmada balad xaawo islamarkaana ay jiraan qasaaro nafeed oo ka dhashay.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in deegaanada xalay wax ka dhaceen ay yihiin miyiga balad xaawo ayna ku adagtahay in ay helaan xogta rasmiga ah balse waxa uu cadeeyay in ciidamada kenya ay si bareer ah u bar tilmaameedsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhinaca kale guddoomiyaha balad xaawo axmed bare sheekh cabdullaahi ayaa dowladda federaalka soomaaliya iyo guud ahaan shacabka ugu baaqay in laga hor tago daadaansiga dowladda kenya ee ka dhanka ah shacabka gedo isagoo intaasi raaciyay in dowladda looga baahan yahay in ay kula xisaabtanto kenya beegsiga dadka shacabka ah iyo dabar goynta xoolaha geela oo ay dhaqdaan shacabka gedo

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in dowladda si deg deg ah u fasaxdo maamulka gobalka gedo si u qaadaan tallaabooyin looga jawaabayo ficillada gurracan oo ay geysanayaan ciidamada kenya oo uu ku eedeeyay in ay wadaan daadaansi aan loo meel dayin.

Xalay ayee aheyd markii ciidamada kenya ay weerar dhinaca cirka ah ka geysteen degmada balad xaawo ee gobalka gedo islamarkaana ay begsadeen dad shacab ah iyo xoolahooda oo i badnaa geela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here