Saraakiisha Ugu Sareysa Amisom Iyo Hirshabelle Oo Ka Wada Hadlay Sugidda Amaanka Doorashooyinka Iyo Dagaalka Al-shabaab

0
263

Wasiirka Amniga maamulka Hirshabelle Mohamed Kheire oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxa ugu Sareeya AMISOM Amb Fransisco Mandera iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM General Ndegeye.

Kulanka oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa waxaa ugu muhiimsanaa howlgallada ka dhanka ah al shabaab oo ciidamada amisom la doonayo in ay ka dar dargeliyaan deegaanada hirshabelle oo sanadahan danbe aan ciidanka howlgallo saameyn leh ka sameyn.

Sidoo kale waxaa kulannkan looga hadlay sugidda amaanka doorashooyinka hirshabelle oo soo dhaw iyo doorashada heer federaal oo hirshabelle lagu soo dooranayo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda halkaasi tahay.

Taliyaha cusub ee amisom ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa uu kullamo la qaadanayay madaxda maamul gobaleedyada qaarkood iyadoo u jeedku uu yahay dar dar gelinta howlgallada la dhanka ah ururka al shabaab oo ciidamada amiso ay u joogaan soomaaliya.

Deegaanada hirshabelle waxa ay al shabaab ka geystaan weeraro qorsheysan iyo dagaallo toos ah waxaana weeraradaasi ku naf waayay masuuliyiin sar sare oo hirshabelle ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here