Koonfur Africa: Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Dukaankiisa

0
98

Magaalada Cape Town ee dalka koonfur africa waxaa ku geeriyooday alle ha u naxriistee muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmedey Faraqajaan kaasi oo kamid ahaa ganacsatada soomaaliyeed ee dalkaasi u joogta howlaha ganacsi.

Geerida marxuumka ayaa timid ka gadaal markii uu gubtay dukaan uu ku lahaa magaalada Cape Town ee dalkaasi koonfur africa, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sida soomaali ku sugan Cape Town ay u xaqiiniyeen idaacadda Hiigsi ee muqdisho.

Marxuumka geeriyooday ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada uu ku sugnaa waxaana socda baaritaan lagu xaqiininayo sababta ka danbeysay dabkan baabi’yay dukaanka muwaadinkan iyo geeridiisa.

Soomaalida ku dhaqan koonfur africa waxa ay ku shaqeeyaan xaalado adag oo ay kamid yihiin dilalka iyo arrimo kale oo qaarkood ay kamid yihiin dabka iyo shilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here