Faah-faahinta Qarax Ka Dhacay Isgoyska Black Sea Ee Muqdisho

0
160

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka isgoyska black sea gaar ahaan halka loo yaqaan daalo.

Ruux naftiis halige ah ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidamada loo yaqaano ilaalada shacabka kuwaasi oo suga amaanka magaalada caasimadda ah muqdisho.

Ismiidaamiyaha ayaa beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada ilaalashada shacabka oo magaciisa lagu soo koobay caano geel iyo laba ruux oo kale oo ay isla shaqeeynayeen.

Ciidamada ilaalada shacabka oo qeyb ka ah ciidamada nabad sigidda ayee dowladda adeegsatay ka hor tagga dilalka qorsheysan waxa ayna ka howlgalaan qaar kamid ah waddooyinka magaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here