Ciidamada Danab Oo Saraakiil Muhiim U Ahaa Al-shabaab Ku Dilay Shabeelaha Hoose

0
266

Wararka ka imaanaya deegaanka leego ee ka tirsan gobalka shabeelaha hoose ayaa ku warramaya in ciidamada Danab ee xoogga dalka ay halkaasi ku dileen saraakiil iyo askar al shabaab ka tirsanaa islamarkaana ay bur buriyeen xarrumo maxmadeed oo ay lahaayeen kadib howlgallo ay halkaasi ka sameeyeen.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay tuulada Sahan-yarey oo hoos tagta degmada Wanla-weyn ayaa lagu dilay sarkaalkii al shabaab u qaabilsanaa sirdoonka gobalka shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Awoowe sidoo kale waxa ay dileen ciidanka danab inta ay howlgalkooda gaarka ah ku guda jireen sarkaal magaciida ay lagu soo koobay (Abuu qadaab) kaasi oo al shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobalka shabeelaha iyo 6 dagaallame oo la socotay saraakiisha la beegsaday.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabla sida oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada danab ayaa baahisay in ciidmada ay burburiyeen xarumo al shabaab ay ku maxkamadeyn jireen dadka u dacwad doonta sidoo kalena ay heleen liis ay ku qoran yihiin magacyo, Numbar’s iyo meelaha ay ku sugan yihiin xubno al shabaab u qaabilsan sixirka kuwaasi oo ciidamada ay ku raad joogaan.

Deegaanka leego oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo qorsheysan ayaa kamid ah deegaano muhiim u ahaa al shabaab oo sanadkan gudihiisay ay ku waayeen howlgallada qorsheysan oo ay sameynayaan ciidamada danab ee ka tirsan xoogga dalka.

Inta badan howlagallada ay ciidamada xoogga dalka ka sameeyaan shabeelaha hoose ayaa lagu sheegaa in lagu dilo saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka al shabaab, saraakiisha ciidanka ee halkaasi ku sugan ayaana horay u sheegay in qorshahooda uu yahay in sida ugu fudud al shabaab ay uga saaraan gobalkaasi oo ahmiyad gaar ah u leh dowladda federaalka maadaama la aaminsan yahay in al shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada jid galka iyo qaraxyada ay la beegsadaan ciidamada xoogga dalka iyo sidoo kale weerarada qaraxyada oo ay ka fuliyaan magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here