Macallimiin Dugsi Qur’aan Oo Saakay Lagu Dilay Degmada Cadale.

0
346

Wararka laga helayo degmada cadale ee gobalka sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi aroortii horre ee saakay lagu dilay macallimiin dugsi qur’aan oo subac akhrinayay.

Dabley hubeysan ayaa lasoo warinayaa in ay weerareen wadaadan oo ku sugnaa deegaanka koogaar ee hoos taga degmada cadale islamarkaana ay dileen.

5-ta ruux ee la dilay laba kamid ah ayaa ah walaalo sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana loo beegsaday sida wararka qaar ay tilmaamayaan aanooyin qabiil oo sanadihii danbe ka taagnaa degmada cadale laguna guul dareystay xalintooda.

Dadka la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray alle ha u naxriistee 1-Sheekh Daahir Xasan Cali 2- Ow Muxumud Xasan Calli 3-Macalim Maxamuud Canbuure 4-Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi iyo Macalim Maxamed Xuseen Axmed.

Weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay laba qofood oo la sheegay in dhimasho looga tagay balse xaaladdooda caafimaad la dabiibayo.

Dhinaca kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda falkan naxdinta leh inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in loo dilay aano qabiil oo muddooyinkii danbe halkaasi ka taagneyd.

maamulka hirshabelle ayaana la tilmaamaa in ay ka gaabiyeen xal u helista dagaal beeleedyada kusoo laalaabtay deegaano ka tirsan gobalka shabeelaha dhexe iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan deegaan hoostaga degmada warsheekh lagu dilay oday 90 jir ahaa sabao la xiriira aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here