Ku Simaha Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Saraakiil Ka Socotay Africom Iyo Amisom

0
253

Madaxwayne ku-xigeenka DG Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta kulan laqaatay Saraakiil katirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) qeybta 6-aad iyo Saraakiil ka socotaa howlgalka Mareeykanka ee Africa (AFRICOMM) .

Shirkan ayaa ku saabsanaa Xoojinta ammaanka deegaannada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka al shabaabka ku sugan goballada jubbooyinka.

Inta uu socday kulanka ayaa madaxweyne ku xigeenka waxa uu la wadaagay saraakiisha warbixin la xiriirta howlgallada ay wadaan ciidamada daraawiishta jubbaland, isagoo dalbaday in laga caawiyo dhinacyada dhaqaalaha iyo tababarada si looga adkaado ururka al shabaab.

Waxaa ku simaha madaxweynaha jubbaland kulankan kuwehlinayay Guddoomiyaha Gobolka J.hoose C.rashiid C.laahi Cali Gooni iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda guud ee amaanka jubbaland.

Ciidamada africom iyo kuwa amisom ayaa deegaanada jubbaland ka sameeya howlgallo ka dhan ah al shabaab waxaana africom ay si qaas ah u beegsadaan xarumaha la sheego in ay ku badan yihiin saraakiisha sar sare ee al shabaab kuna sugan goballada jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here