Ciidamada Danab Oo Jamaame Ku Dilay Sarkaalkii Al shabaab Ee U Qaabilsanaa Qaraxyada Jubbooyinka

0
231

Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada jamaame ee gobalka jubbada hoose ku dilay 5 dagaallame oo al shabaab oo kamid ahaa shaqsi u qaabilsanaa qaraxyada ka dhaca jubbooyinka.

Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa beegsaday guri la sheegay in ay ku sugnaayeen sarkaalka la dilay iyo 4ta dagaallame ee la socotay sida ay baahisay idaacadda ku hadasha codka ciidamada qalabka sida.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan yuusuf Shiikh Maxamuud (Abuu Salmaan) waxaana uu qeyb ka ahaa sida la baahiyay saraakiisha al shabaab ee dadka u adeegsan jiray awoodda dagaallamayaashaasi.

Duqeyntani ka dhacday jubbada hoose islamarkaana ay sameeyeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa imaaneysa xili ciidamada danab ee ku sugan halkaasi ay dhawaanahaanba xoojiyeen howlgallada qorsheysan oo ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaallamayaasha ka tirsan al shabaab.

Tiro dhowr jeer ah ayee ciidamada dileen saraakiil la sheegay in ay muhiim u ahaayeen al shabaab kadib howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka kala tirsan maamullada koonfur galbeed iyo jubbaland kuwaasi oo meelo lamid ah ay ku xooggan yihiin ururka al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here