Duqeyn Lagu Dilay Madaxii Maaliyadda Al shabaab Ee Jubbooyinka Oo Ka Dhacday Jilib

0
132

Duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada ka taageera howlgallada cirka ah ayaa laga fuliyay deegaanka mareereey oo hoostagta degmada jilib ee gobalka jubbada dhexe.

Goobta la beegsaday ayaa la sheegay in ay sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan al shabaab islamarkaana halkaasi lagu gaarsiyay qasaaro kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 17 dagaallame oo ka tirsanaa al shabaab iyo sarkaalkii u qaabilsanaa maaliyadda jubbooyinka kaasi oo magaciisa lagu sheegay (Sheikh Cabdulaahi Cali aadan).

Xubnahan la bar tilmaameedsaday ayaa ayee saraakiishu sheegeen in ay ku sugnaayeen xaruntii horre ee warshadda sokorta ee mareereey ee ku taala degmada jilib ee gobalka jubbada dhexe.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii danbe waday howlgallo ay ku beegsanayaan saldhigyada la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee al shabaab, waxaana tira dhowr jeer ah la baahiyay geerida saraakiil ka tirsanaa al shabaab kuwaasi oo xilal muhiin ah hayay balse ay dileen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here