Goormee Ayuu Furmayaa Kal-fadhiga 2aad Ee Baarlamaanka Galmudug

0
241

Guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka galmudug ayaa shaaciyey xiliga rasmiga ee uu furmayo kal-fadhiga 2aa ee baarlamaanka galmudug.

War saxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa mudanayaasha baarlamaanka galmudug lagu faray in ay xaadiraan magaalada Dhuusamareeb ee caasimaadda Galmudug ugu danbeyn maalinta arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka Augost.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa qudbadda furitaanka ka jeedin doona munaasabadda oo dhici doonta maalinta khamiista ah ee soo aadann27-ka bishan Augost.

Guddiyada joogtada ee baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa iyagana laga sugayaa in halkaasi ay kusoo bandhigaan howlihii u qabsoomay kal-fadhigii 1aad ee golaha iyo qorshaha hor yaaa kal-fadhiga 2aad ee khamiista furmaya.

Furitaanka kal-fadhiga 2aad ayaa dib ugu dhacay sababo isugu jira xanuunka safmarka ah ee coronavirus, fasaxa ciida carafo iyo kulankii Dhuusamreeb ka qabsoomay 15-19 bishan.

Akhriso War-saxaafadeedka Oo Dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here