DHAGEYSO:- XFS Oo Mar Kale Ka Digtay Roob Dabeylo Wata Oo Saacadaha Soo Aadan Di’i Doona

0
112

Xamse Saciid Xamse wasiirka gargaarka iyo maareynta XFS ayaa ka hadlay dabeylo maalmihii lasoo dhaafay ku dhuftay xeebaha soomaaliya kuwaasi oo ay ka dhasheen qasaaro nafeed.

Wasiirka ayaa sheegay in 18kii bishan ay soo saareen digniino la xiriira roobab dabeylo wata in ay kusoo wajahnaayeen xeebaha koonfureed ee dalka hase yeeshee dadka ay quseysay arrintani ay dhagaha ka furesteen taasi oo dhalisay in ay dhintaan seddex ruux kuwa kalana la la’yahay ilaa xiligani halka ay jiraan dad badan oo lasoo bad baadiyey.

Isagoo sii hadlaye ayuu marka kale ka digay roob dabeylo wata oo ka dhalan kara fatahaado, dadka badda ka shaqeysta ayuuna faray in xiligani ay tahay bad xeran iskana daayaan kaluumeysiga iyo guud ahaan isticmaalka badda si looga badbaado khatar kale.

Dhawaan ayee aheyd markii roob dabeylo wata dhinaca kalena ay ka dhasheen fatahaado ay ka da’een koonfurta soomaaliya kuwaasi oo sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Halkan Ka Dhageyso Codka Wasiirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here