Al-shabaab Oo Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay La Beegsaday Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed

0
136

Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa deegaanka Goof-gaduud iyo degmada bardaale ee gobalka baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada maamulka koonfur galbeed iyo al shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan al shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada koonfur galbeed oo marayey wadada xiriirisa goof-gaduud iyo bardaale, waxaana uu weerarka markii danbe isku badalay dagaal fool ka fool ah.

Al shabaab oo barahooda internate-ka guul kaga sheegtay dagaalka ayaa waxa ay tilmaameen in ay ku dileen 1 askari mid kalana ay ku dhaawaceen kadib weerarkii ay la beegsadeen ciidamada maamulka koonfur galbeed ee marayey halkaasi.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in dagaalamayaashooda ay dib uga laabteen halka ay wax ka dhaceen hase yeeshee ay khasaaro nafeed gaarsiyeen kolonyadii ay bar tlmaameedsadeen.

Inta badan al shabaab ayaa weerarada ugu badan ka geysta deegaanada maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyagoo sheegta in ay guulo ka gaareen weerarada ay la beegsadeen ciidamada DFS, KGS iyo amisomĀ  kuwaasi oo howlgallo ka dhan ah al shabaab ka wada seddex gobal ee maamulka koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here