DAGEYSO:- Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Uusan Dooneyn Kamid Ahaanshaha Qalalaase Siyaasadeed Iyo Mid Amni

0
258

Xasan Cali Kheyre raiisul wasaaraha ay kalsoonida kala noqdeen golaha shacabka oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in uu ka tagay xilka inkastoo oo uu sharci darro ku tilmaamay qaabkii loo maray xil ka qaadistiisa.

Waxa uu tilmaamay in isaga oo og wax walba sida ay u dhaceen uu go’aansaday ka tagitaanka xafiiska si uusan ugu lug yeelan qalalaase dalkan ka dhici kara haddii uusan ogolaan natiijadii lama filaanka aheyd ee kasoo baxday kulankii golaha shacabka.

Xasan cali kheyre ayaa ka digay qalalaase siyaasadeed oo keeni karta in dalka uu dib ugu noqodo halkii uu ka yimid haddii doorashada aanee ku dhicin waqtigeeda isagoo cadeeyey in ay jiraan dad doonaya muddo kordhin ayna bilaaw u tahay arrintaasi wixii ka dhacay fadhigii xilka looga tuuray.

Isagoo sii hadlaye raiisul wasaare kheyre ayuu hoosta ka xariiqay in uusan narnaba qeyb ka noqon doonin qalalaase siyaasadeed uuna u tanaasulayo shacabka soomaaliyeed ee rajada wanaagsan ka leh dowladnimada.

Ugu danbeyn Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey madaxweynaha soomaaliya, golihiisa wasiirada, saaxiibada daneeya soomaaliya iyo dhamaan bulshada soomaalieed oo uu sheegay in ay fursad iyo garab istaag u muujiyeen inta uu xafiiska joogay.

23kii febraayo 2017 ayaa xafiiska loo magacaabay rasiisul wasaare Xasan Cali Kheyre hase yeeshee 3 sano iyo 5 bil kadib ayee kalsoonida kala laabteen mudanayaasha golaha shacabka walow arintani ay sharci darro ku tilmaameen axsaabta siyaasadda dalka iyo qaar kamid ah falanqeeyaasha siyaasadda soomaaliya kuwaasi oo sheegay in xil ka qaadista ay tahay mid baal marsan sharciga inkastoo oo uu aqbalay rasiisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Cod Qudbadda Raiisul Wasaare Kheyre

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here