Mareykanka Oo Fariin Hanjabaad Ah U Dirtay Madaxda Dalka Kuna Tilmaantay Qas-wadayaal

0
94

Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga hor-timid oo sharci-darro ku tilmaamtay xil ka qaadistii lagu sameeyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah qas-wadayaasha Soomaaliya.

“Hanaankan sharci darrada wuxuu dib u dhac ku yahay ajendaha isbedellada Soomaaliya ay ku raad joogtay ee Mareykanka uu taageerayey. Xasiloonida, amniga iyo barwaaqada Soomaaliya waxaa lagu dhisi karaa oo kaliya wada-shaqeyn, isku xirnaan iyo isu-tanaasul dhex-mara hoggaamiyayaasha Soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Haddii shaqsiyaad ama hey’ado ay isku dayaan inay u awood sheegtaan kuwa kale, waxay wax-yeeleyneysaa xasiloonida dalka oo dhan. Safaaradda Mareykanka waxay ku boorineysaa dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, baarlamanka iyo dhammaan dhinacyada kale inay sii wadaan inay ka wada-shaqeeyaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.”

Ugu dambeyntii qoraalka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah qas-wadayaasha raadinaya inay waxyeeleeyaan horumarrada Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, dowladnimada loo dhan yahay iyo barwaaqada. Ma dooneyno in Soomaaliya ay aaddo jiho qaldan.”

Hadalkani kasoo baxay mareykanka ee hanjabaadda ah ayaa lagu fasiray mid loo dirayey xafiisyada Madaxweynaha soomaaliya iyo guddoonka golaha shacabka kuwaasi oo qaaday tallaabo mugdi sii galisay heshiiskii dhuusamareeb iyo in doorasho lagu qanacsanyahay kuna qabsoonta waqtigeeda la qabto.

Doorashada soomaaliya ee la filayey in ay dhacdo bilawga 2021-ka ayaa u muuqata mid aan dhici karin maadaama xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono ay ku adkaan doonto ka mira dhalinta heshiisyadii horre iyo in doorasho ku qabato muddo ka yar 6 bil gudahood oo ah xiliga kama danbeysta ah ee uu dhacayo madaxweyne Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here