Xisbiga Wadajir Oo Ku Baaqay In Laga Hor Tago Xil Ka Qaadista Lagu Sameeyey Mudane Kheyre

0
108

Hoggaamyaha xisbiga wadajir C.racmaan C.shakuur Warsame oo soo saaray war-saxaafadeed uu ku diidan yahay go’aankii golaha shacabka ee xilka uga xayuubiyeen Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in madaxweynaha soomaaliya uu diidan yahay ka mira dhalinta heshiisyada wada jirka ah ee lagu gaaray dhuusamareeb.

Waxa uu eedetn kulul u jeediyey madaxweyne farmaajo oo uu ku tilmaamay mid doonaya muddo kordhin isagoo maraya wado kasta oo sharci darro ah.

Go’aanka golaha shacabka ayuu ku tilmaamay mid aan sax aheyn maadaama ajandaha kulanka uusan ku jirin islamarkaana aane jirin mooshin ay ku saxiixan yihiin 50 xikdhibaan oo laga hor akhriyey kulankii golaha.

Sababta meesha looga saaray raiisul wasaaraha ayuu ku sheegay carqaladeynta heeshiisyada si aanee loo dhaqan gelin taasi oo dalka ku abuureysa sida uu sheegay xasilooni darro siyaasadeed iyo qalalaase hor leh.

Madaxweyne farmaajo ayuu ku sheegay hoggaamiyaha xisbiga wadajir inuusan diyaar u aheyn ilaalinta dastuurka wax kastana uu u sameenayo sidii uu ku heli lahaa muddo kordhin.

Shacabka soomaaliyeed, saamileyda siyaasadeed iyo beesha caalamka ayuu ugu baaqay in xukuumadda lagu garab istaago ka mira dhalinta heshiisyadii dhuusamareeb iyo qabashada doorssho waqtigeeda ku dhacda oo lagu wada qanacsan yahay dalkana laga badbaadiyo fowdo iyo colaad sokeeye.

Ugu danbeyn C.raxmaan C.shakuur Warsame ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta haddii aan laga horagin xil ka qaadistan isagoo sheegay in dalku uu u horseedi karo heer ka hooseeya halka uu maanta joogo.

Akhriso War-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here