Madasha Xisbiyada Qaran Oo Dalbaday In La Balaariyo Shirka Dhuusa Mareeb

0
159

War saxaafadeed kasoo baxay madasha xisbiyada qaran ayee kaga hadleen war-murtiyeedkii shalay laga soo saaray shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobaleedyada ee wajigiisa labaad lagu soo gebagebeeyey magaalada dhuusa mareeb ee caasimadda galmudug.

Ugu horreyn madasha ayaa waxa ay soo dhaweeyeen war-murtiyeedka oo muhiimaddiisa aheyd in ka qeyb galayaasha ay isku raaceen in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigeeda taasi oo meesha ka saareysa muddo kordhin lagu eedeenayey villa soomaaliya.

Madasha xisbiyada qaran ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo magacaabo guddiga farsamo si xal loo dhan yahay looga wada gaaro arrimaha ay ku kala aragti duwan yihiin masuuliyiinta dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada, iyagoo soo jeediyey in la balaariyo shirka wejigiisa 3aad ee furmaya 15-ka bisha soo aadan ee agoosto ayna ka qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka si natiijo loo dhan yahay loo soo saaro.

Sidoo kale waxa ay dalbadeen in si deg deg ah loo fuliyo qodobada lagu heshiiyey iyadoo la gudanaya waajibaadka saaran, waxa ayna ka digeen khatarta ka dhalan karta haddii aan si dhab ah loo fulin heshiiska ay wada gaareen.

Ugu danbeeyn madasha xisbiyada qaran waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in dowladda looga baahan yahay muddada u hartay in ay ku qabato dhamaan howlaheeda dalkana ka ilaaliso firaaqo dastuuri ah isla markaana ay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda laguna wada qanacsan yahay.

Akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here