Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tababar Usoo Xeray Ciidamo Cusub Oo Ka Tirsan Gor-gor

0
152

Waxaa maanta tababar loo soo xeray askar ka mid noqonaya ciidamada gaarka ah ee gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee howlgallada ka dhanka ah al shabaab ka fuliya deegaano badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, wasiirka gaashaandhigga soomaaliya Xasan Cali Amar-danbe iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in cidamadan tababarka loo soo xeray ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka gaashaandhigga soomaaliya mudane Xasan Cali Amar-danbe isagoo dhiira galin u muujiyey ururka shanaad ee gor gor kuwaasi oo takhasus gaar kusoo qaadan doona muddo 6 todobaad kusoo qaadan doona waddanka turkiga.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda ka dhacday xerada turk-som soo xeray guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C raxmaan isagoo dar daaran u jeediyey curubyadan cusub ee kamid noqonaya ciidamada gorgor ee xoogga dalka, isagoo rajo wanaagsan kka muujiyey in ay wax badan kusoo kordhin karaan ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta gor gor ee fuliya howlgallada qorsheysan.

Halkan ka dhageyso codadka madaxda 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here