Faaf-faahin:- Ciidamo Milatari Ah Oo Qaad Waday Iyo Dabley Hubeysan Oo Kaaraan ku Dagaallamay

0
46

Waxaa galabta dagaal uu ku dhexmaray xaafadda jamhuuriya ee degmada kaaraan ciidamo la sheegay in ay wadeen qaad dalka si sharci darro ah lagu soo geliyey iyo koox hubeysan oo doonayay in ay qaadka dhacaan.

Labada dhinac waxaa dhexmaray dagaal socday muddo kooban kaasi oo sababay dhaawac soo gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah sida goob joogayaal ay nala wadaageen.

Qof goob jooge ah oo diiday in codkiisa aan adeegsano ayaa noo sheegay in qaadka lagu waday gaari saaruf ah uuna ka horreeyey cabdi bile ay saarnaayeen ciidamo ku labisnaa dareeska ciidamada xoogga dalka hase yesshee waxaa qaadka in ay dhacaan isku dayey ciidamo kale kuwaasi oo saarnaa gaari hoomey ah.

Inta la xaqiijiyey dagaalka waxaa ku dhaawacmay 3 ruux oo laba kamid ah ay ka kala tirsanaayeen dhinacyada dagaalamay iyo qof shacab ah oo ka ag dhawaa goobta ay wax ka dhaceen.

Ciidamada ku labisnaa dareeska ciidanka xoogga dalka iyo gaarigii ay ilaalinayeen ayaa markii danbe ay usuurta gashay in iyagoo wata qaadka ay usoo gudbaan dhinaca degmooyinka kale ee gobalka banadir oo qaadka ay u wadeen.

Tiro dhowr jeer ah ayee isku dhaceen ciidamo qaad waday iyo kuwo doonayey in ay dhacaan mana jirto ilaa xiligan masuul dowladda ka tirsan oo arrintan ka hadlay.

Tan iyo markii dalka laga mamnuucay in lasoo dajiyo qaadka waxa uu si sharci darro ah uga soo dagaa qeybo ka mid ah xeebaha magaalada caasimadda ah ee muqdisho iyadoo maalin cad lagu iibiyo suuqyada horay loogu iibin jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here