Dowladda Oo Sii Deysay Nabadoonno Iyo Dhaqtar Ay Ku Xertay Gobalka Gedo

0
138

Wararka ka imaanaya degmada doolow ee gobalka gedo ayaa sheegaya in goor dhaw xabsiga laga sii daayey dhaqtarkii iyo nabadoonadii ay xereen ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda hiigsi ee muqdisho u xaqiijiyey in xabsiga laga sii daayey nabadoon Maxamed Faaqid Carab iyo nabadoon Maxamed Cumar oo xalay la xiray iyo sidoo kale Dr Maxamed Dhaqane oo muddo seddex maalin kadib xoriyaddiisa helay.

Saraakiisha iyo maamulka degmada doolow faahfahin kama bixin xarigga iyo sii deysmada nabadoonnada iyo dhaqtarka hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in dadka ku sugan degmada doolow lagu qasbayo in ay taageeraan dowladda federaalka soomaaliya.

Hase yeeshee nabadoonnada ayaa shalay waxa ay sheegeen in dhibaato xooggan ay ku hayaan ciidamada dowladda cidii hadashana la xerayo iyaguna ay yihiin xabsi sugayaal, saacado kadib ayaana xabsiga loo taxaabay walow xoriyaddooda ay dib u heleeen maanta.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here