Dhageyso: Faah-faahin Nabadoonno Dowladda Ay Ku Xertay Doolow

0
156

Wararka ka imaanaya degmada doolow ee gobalka gedo ayaa ku warramaya in cabsi xooggan ay soo food saartay dadka deegaanka kadib markii xabsiga la dhigay dhaqtarkii degmadaasi iyo nabadoono ka hadlay arrintiisa.

Dr Maxamed Dhaqane Carab oo ah dhaqtarka kaliya ee ka howlgala degmada doolow ayaa seddex maalin ka hor ay xereen ciidamada dowladda hase yeeshee waxaa xabsiga lagala baxay maalinimadii shalay iyadoo la geeyey garoonka diyaaradaha balse howlwadeenada diyaaradda ayaa diiday in ay dr-ka qaadaan sidaasina xalay uu ugu baryey gudaha garoonka sida goobjoogayaal lagu kalsoon yahay ay u xaqiiniyeen idaacadda hiigsi ee muqdisho.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa xabsiga dhigay nabadoonnada kala ah Maxamed Faqid Carab iyo Maxamed Cumar kuwaasi oo gelinkii danbe ee shalay ka hadlay dhibaatada gobalka gedo ay ku hayaan ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Nabadoonada ayaa sheegay in dowladda ay gobalka gedo ka wado falal aan habooneen islamarkaana ay kamid yihiin dhibaateynta haweenka doolow ku sugan oo ay sheegeen in seqda dhexe lagala baxo guryaha sida siyaasitiinta oo kale lana soo celiyo barqanimada iyadoo aanee la ogeyn sababta guryahooda loogala baxayo .

Sidoo kale nabadoonada ayaa xusay in dadka aanee soo bandhigi karin afkaartooda iyaguna ay ogyihiin in la xeri doono sida ay hadalka u dhigeen ka hor inta aan la xerin.

Beesha caalamka ayee ugu baaqeen in si deg deg ah wax looga qabto arrinta gobalka gedo gaar ahaan degmada doolow soomaamiya oo ay sheegeen i dowladda ay wado falal abuurayao qalalaaso iyo dhibaato hor leh oo keeni karta in gobalka uu noqodo mid xaaladdiisa uu noqdo mid aan wanaagsaneyn maadaamaa caburin joogta ay la kulmayaan.

Si kastaba shacabka degmada doolow ee gobalka gedo ayaa wajahaya cabsi xoog leh iyadoo ay soo sheegayaan in lagu qasbayo taageerada dowladda oo eysan aragtidooda xor u aheyn.

Halkan ka dhageyso codka nabadoonada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here