Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Ku dhex Maray Degmada Cadale Ee Gobalka Sh/Dhexe

0
271

Wararka aan ka heleyno deegaanka xaaji cali ee hoostaga degmada cadale ee gobalka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqa al shabaab.

dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii xubno ka tirsan Al shabaab ay werar kusoo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaankaasi

ilo waredyo lagu kalsoonaan kara ayaa inoo xaqiijiyey in al shabaab ay halkaasi ku dileen shan ruux oo kala ah sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda 3 askari iyo shaqsi la sheegay in uu ka shaqeenayey hey’ad ka howlgasha deegaanka weerarka uu ka dhacay.

dhawaqa madaafiicda ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa laga maqlayey degaanada ku dhaw degmada cadalle ee gobalka shabeelaha dhexe.

dhinaca kale war qoraal ah oo kasoo baxay ururka al shabaab ayaa waxa ay uga hadleen dagaalkii ay la galeen ciidamada dowladda soomaaliya ee ku sugnaa deegaanka xaaji cali ee gobalka shabeelaha dhexe, waxa ayna al shabaab tilmaameen in deegaankaasi ay gacanta ku dhigeen ayna qabsadeen saanad ciidan oo ay lahaayeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa deegaanka xaaji cali.

wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka xaaji cali ayaa waxa ay ku waramayaan in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ka dib markii al shabaab ay isaga baxeen.

waxaana lasoo warinayaa in xubnihii al shabaab ka tirsanaa ee weerarka fuliyey ay ku sugan yihiin deegaan u dhaw xaaji cali.

deeganka xaaji cali waxa uu u dhaw yahay degmada cadale ee gobalka shabeelaha dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Burundi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here