Ciidamada Kenya Oo Laamu Ku Dilay Xubno Al-shabaab Ka Tirsanaa

0
261

Laamaha amaanka dalka kenya ayaa xaqiijiyey in ay dileen xubno ka tirsanaa dagaalyahanada al shabaab ka dib howlgal ay ka sameeyeen gobalka  laamu.

Inta howlgalkan uu socday ayee sidoo kale ciidamada qabteen askari al shabaab ah oo nool sida warbaahinta uu u sheegay taliyaha booliska gobalka laamu.

Deegaanka howlgalkan laga sameeyey ayaa shalay waxaa ka dhacay weerar ay masuuliyaddiisa sheegteen al shabaab kaasi oo lagu dilay 4 qof oo ahaa muwaadiniin kenyan islamarkaana heystay diinta karishtaanka ah .

Howlgalkan ayuu taliyaha booliska gobalka laamu john elungata ku sheegay in uu ahaa mid loogu aargudayey weerar barqinamadii khamiista ka dhacay deegaanka la yiraahdo Nyongoro bas u socdaalayey gobalka laamu laguna dilay in kabadan 3 ruux, Weerarkaasi oo si toos ah al shabaab u sheegteen masuuliyaddiisa kadib qoraal ay ku baahiyeen barahooda ay wararka ku daabacaan.

Bishii December ee sanadkii hore ee 2019 ayee al shabaab dhowr weerar oo ay ku dileen xubno ay ku sheegeen in ay ka mid yihiin sirdoonka dalkaasi waxa ay ku dileen gobalka waqooyi bari dalka kenya taasi oo sababtay in madaxweynaha dalka kenya uu isbadal ku sameeyo laamaha amaanka gobalkaasi.

Booliska ayaa hadda sheegay in ay diyaariyeen qorshayaal ay uga hortagayaan weerarada qorsheysan oo ay al shabaab ka geystaan gudaha dalka kenya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay al shabaab oo ku aadan sheegashada ciidamada kenya ee ku aadan in ay dileen 4 xubin oo iyaga ka tursanaa mid kalena ay nolosha ku hayaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here