Ciidamada Xoogga Dalka Oo Al-shabaab Ka Saaray Degaano Badan

0
360

 

Ciidamada dowladda federaalka soomaaliya ayaa la wareegay deegaano hoostaga gobalka shabeelaha hoose

Dowladda soomaaliya ayaa shaacisay in dagaalyahanada al shabaab lagala wareegay ilaa 7 tuulo oo ka wada tirsan shabeelaha hoose.

Deegaanada lagala wareegay al shabaab ayee dowladdu ku sheegtay in ay kala yihiin Moradiinle, Buulo Miskiin, Macallinka, Baladul amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buulo bashiir ,waxaana horay gacanta ugu heyn jiray al shabaab .

Hase yeeshee kumaandooska soomaaliya ayaa dhammaan deegaanadaasi gacanta ku dhigay kadib howlgal ay fuliyeen.

Taliyaha guutada 16 aad ee ciidanka danab G/le Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalkii ay fuliyeen ay ku dileen 20 askari oo ka tirsanaa dagaalyahanada al shabaab, isagoo intaa raaciyey in ay sii wadi doonaan howlgalkooda inta al shabaab ay ka saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalka shabeelaha hoose.

Al shabaab ayaana weli ka hadlin warkan kasoo yeeray dowladda soomaaliya ee ah in lagala wareegay deegaano farabadan loogana saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here