Mareykanka Oo Duqeymo Jawaab Ah Ka Fuliyey Gobalka Sh/Hoose

0
127

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda africa ayaa lagu sheegay in duqeymo diyaaradeed ay ka fuliyeen gobalka shabeelaha hoose.

Duqeymaha ayaa lagu sheegay in lagu bartilmaamsaday xubno ka tirsanaa dagaalyahanada al shabaab qasaarana lagu gaarsiiyey xili looga gubay gaari dagaal oo ay lahaayeen .

Duqeymaha oo laga fuliyey laba deegaan ayaa mareykanka waxa ay ku sheegeen in uu ahaa mid loogu aar gudayey qaraxii sabtidii ka dhacay magaalada muqdisho kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad aan ka yareyn 100 ruux.

Inta uu socday howlgalka mareykanka ey shalay ka fuliyeen gobalka shabeelaha hoose ayaa waxaa lagu dilay laba xubin oo muhiim u ahaa al shabaab sida lagu sheegay warkan kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaraddan africa

Taliska ayaa warkooda raaciyey in aanee jirin khasaare soo gaaray dad rayid ah inta ay socotay duqeymaha ka dhanka ahaa al shabaab.

Mareykanka ayaana joogteeyey howlgalladooda soomaaliya sanadkan sii dhamaanaya ee 2019 waxaana talisku sheegay in ay sii wadi doonaan ayna xoojinayaan duqeymaha inta soomaaliya ay cagaheeda ku istaageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here