Al-shabaab Oo Laba Maalin Kadib Sheegtay Masuuliyadda Qaraxii Dadka Rayidka Lagu Gumaaday

0
341

Dagaalyahanada al shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxii 28 ka bishan ka dhacay Ex-Control Afgooye ee muqdisho.

Afaheynka al shabaab cali dheere ayaa ka hadlay weerarkan ay ku naf waayeen dad ku dhaw 100 ruux oo shacab u badnaa.

Waxaana uu tilmaamay in weerarkaasi lagu bar tilmaameesanayey kolonyo ay la socdeen ciidamo turki iyo kuwo soomaali ah qasaarana ay gaarsiiyeen sida uu ka dhawaajiyey.

Afaheynka al shabaab ayaa waxa uu sidoo kale qiray in dad shacab ah weerarkaasi lagu waxyeeleeyey inkastoo uusan sabab rasmi ah u yeelin xasuuqii shacabka loogu geystay weerarkaasi uu masuuliyaddiisa isaga sheegtay.

Cali dheere afaheynka al shabaab ayaa lagu tiranayey muddooyinkii danbe in uu geeriyooday kadib markii saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen in uu ju dhintay duqeyn ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee soomaaliya iyo kuwa mareykanka ee ka howlgala soomaaliya.

Warkan kasoo yeeray ayaana noqonaya mid muujinaya in uu noolyahay afaheynka al shabaab cali dheere, waxaana uu imaanayaa xili dhacdadaasi ay kasoo wareegatay in kabadan 50 saacadood

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here