Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Booqday

0
115

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee shalay uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Raiisul wasaaraha soomaaliya ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah xarumaha caafimaadeed ee la geeyey dadkii  waxyeelada ba’an kasoo gaartay weerarkii dadka ku dhinteen ee ka dhacay muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here