HSJ Oo Tababar Usoo Xertay Saraakiil Ka Shaqeeneysa Ilaalinta Xudduudaha

0
129

Agaasime ku xigeenka hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda soomaaliya ayaa tababar usoo xeray saraakiil ka shaqeeneysa xuduudaha dhulka iyo garoomada.

Tababarkan oo ku saabsanaa keydinta xogta iyo diyaarinta warbixinada, ayaa xubno ka mid ah Saraakiisha tababarka la siinayay oo munaasabadda ka hadlay waxa ay sheegeen In mudadii ay ku guda jireen tababarkan ay ka faa’ideen labo qodob oo muhiim u ahaa shaqadooda oo kala ah (Q1aad)-isbarasho dhexdooda ah maadaama ay kala yimaadeen goobo kala duwan iyo (Q2aad) oo ah Aqoon iyo waayo aragnimo ay ka heleen casharadii ay ku qaateen tababarka.

K/xigeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa u sheegay saraakiisha in ay ilaaliyaan sharafta Hey’adda isla markaana ay dhaqan wanaagsan ku qaabilaan dadka socotada ah ee ka soo galaya Xuduudaha dalka, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in aqoonta ay ka kororsadeen mudadii 3-da Maalmood aheyd ee ay ku guda jireen tababarka ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ka kala hayaan Xuduudaha dhulka iyo garoomada dalka.

Ugu dambeyn, K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka soo xiray ayaa saraakiisha ku booriyay in ay xafidaan xogta Hey’adda iyo dukumeentiyada dadka socotada ah, gebagabadiina waxaa halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Saraakiisha tababarka loo soo xirayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here