Kooxda manchester united oo Guul muhiim ah ka gaartay Chelsea

0
254

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku xasuuqday kooxda Chelsea ka dib markii ay 4-0 uga awood sheegteen iyadoo Daniel James uu kulankiisii ugu horeysay ee Man United ee dhanka Horyaalka ah uu gool dhaliyay iyadoo Rashford iyo Martial ay banaanka soo dhigeen daafac la”aanta Kooxda Chelsea.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaana bilowgii ugu fiicnaa ku bilowday xilli ciyaareedka Premier League, sida ay qabaan dad badan oo daawaday kulankii caawa.

Frank Lampard Tababaraha Kooxda Chelsea ayaana caawa soo bandhigay awoodii kooxda chelsea in kastoo kooxdaas sanadkaan aan loo saadaalineen inay awood muuqda ku yeelan karaan Horyaalka Igland, maadaama ay xidiga muhiim ah ay ka tageen kooxda, islamarkaana kooxda aysan soo qaadan wax la xariira adeeg ciyaartooy maadaama kooxda ay suuqa ka ganaaxan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here