Manchester city oo guul Muhiim ah ka gaaray Kooxda West Ham {Sawiro}

0
259

Manchester City ayaa guul raaxo leh ku bilaabatay horyaalka Premier League ka dib markii ay 5-0 ku dubteen kooxda West Ham oo marti loogu ahaa London Stadium, iyadoo markii ugu horeysay muuqaal caawiyaha garsooraha ee VAR uu gool diiday.

Gabriel Jesus ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Manchester City daqiiqadii 25aad, ka dib markii kubad uu ka soo shaqeeyay Kyle Walker oo karoos soo dhex dhigay goolka West Ham uu taabtay Diop laakiin waxaa uga sii danbeeyay Jesus oo taabasho yar ku sii dhuftay ka hor inta aysan kubada shabaqa gelin.

Bilowgii qeybta labaad ayayna City heshay goolka labaad oo uu u saxiixay xiddigeeda Raheem Sterling.

Labo daqiiqo ka dib goolkaas, City ayaa mar kale shabaqa soo taabatay markii Silva uu kubad ugu dhiibay Sterling garabka midig kaasoo isna u soo dhigay Jesusu oo shabaqa ku taabtay, laakiin VAR ayaa diiday goolka madaama uu Sterling offside ahaa. Waa markii ugu horeysay horyaalka Premier League ee gool loo diido VAR darteed.

Daqiiqadii 75aad ayay CIty heshay goolkeedii seddexaad markii uu Mahrez ka caawiyay in Sterling uu shabaqa soo taabto markii labaad. Inkastoo VAR ay uga shakisay goolkaan inuu ahaa offside hadana markii la eegay waa la ansixiyay goolka.

Ciyaarta oo lix daqiiqo harsan ayaa City ay heshay rigoore markii uu Diop qalad kula galay xerada ganaaxa Riyad Mahrez. Rigoorada waxaa doonayay inuu tuuro Sterling laakiin waxaa ka qaatay Aguero oo ciyaarta bedel ku soo galay qeybtii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here